Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Lacag Dhan $100,000 oo Dollar ku Wareejiyey Hay’adda ‘’PSAWEN’’

Maxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 09 April 2017 ku wareejiyey lacag dhan $100,000 oo dollar hay’adda biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN), taas oo loogu tala galay in lagaga qayb qaato gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku teedsan degaanada Puntland.

Munaasibada uu Madaxweyne kuxigeenku ku wareejinayey lacagtan ayaa waxaa ku wehelinayey Masuuliyiin ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa shegay in ay lacagtani ahayd $150,000 oo dollar taas oo Puntland kasoo gaadhey guddiga gurmadka Abaraaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, isla markaana ay guddiga Abaaraha Puntland $50,000 oo dollar oo kamida lacagtaasi ay hore ugu wareejiyeen  guddiga abaaraha gobolka Mudug, $100.000 soo hadhayna uu maanta ku wareejiyey hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee dawladda puntland ( PSAWEN)

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in lacagta ay ku wareejiyeen guddiga gurmadka abaaraha gobolka mudug ay ku amreen in lasiiyo raashin oo keliya, si loogu gargaaro ummadda Soomaliyeed ee ku soo hayaantay degaanada gobolkaasi, halka $100,000 uu maanta ku wareejiyey hay’adda PSAWEN lagu soo iibin doono Lix booyadood oo  wax weyn ka tarri doona gurmadka loo fidinaayo dadka abaartu waxyeelaysay.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in ay cid walba oo lacag ama gargaar loogu dhiibo dadka abaaruhu sameeyeen ay kula xisaab tami doonaan, si ay ummaada Soomaliyeed u aragta uguna cadaato shaqo walba oo looqabanaayo shacabka abaartu waxyeelaysay.

Dinnaca kale ku simaha madaxweynaha ayaa waxa uu caadyey in ay Puntland ku sugan yihiin kuna soo hayaameen shacab Soomaaliyeed oo ka kala yimi Waqiiyiga, Koonfurta iyo Galbedka Soomaliya iyo sidoo kale Soomalida Dawladd Degaanka Itoobiya, isla markaana loobahan yahay in il gaara lagu eego dadkaasi sidii loola tacaalilahaa xaladooda mid caafimaad iyo mid dhuuni-ba.

Ugu danbayn,Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Egn, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa umahad naqay guddiga Abaaraha DFS iyo cid walba oo kaqayb qaadatay gacana ka gaysatay gurmadka lagu caawinaaya dadka abaaruhu saameeyeen.

-DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.