Yaa Dumiyay Dabaqii Rajada – Falanqayn

Yaa Dumiyay Dabaqii Rajada

Galkacyo waa magaalo ku taal Bartamaha Soomaaliya ahna Caasimada Gobolka Mudug. Ka dib Burburkii kii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Galkacyo ayaa noqotay magaalooyinkii uu sida ba’an u saameeyay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Galkacyo waxaa ka wada taliya Puntland iyo Gal-mudug inkastoo badanka magaaladda ay ka tirsan tahay Puntland hadana koonfurta magaalada waxay hoos timaada Gal-mudug.
Ka dib rubuc qarni Galkacyo ayaa bilowday inay dib uga kabato dhibataadii iyo burburkii dagaaladii ehliga ahaa. Magaalada ayaa ka bilowday dhismayaal casri ah oo isugu jira kuwo ganacsi iyo kuwo deegaanba.
Inkastoo Magaaladu ay soo aragtay dhibaatooyin badan, hadana Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka hirgaliyay magaalada dhismayaal ganacsi oo casri ah qaarkood ka samaysan yihiin dhalo.
Dhismayaashaas ayaa waxaa ka mid ah
Dhismaha Iftin Bank ee Galkaio
Dhismaha Iftin Bank ee Galkaio
 Dhismaha Iftin bank ayaa ahaa mid soo celiyay rajada dadka Galkacyo oo aaminay in Rajada Galkacyo aysan Dhiman.
Dadka magaalada Galkacyo ayaa aad ula riyaaqsanaa bilowga dhismayaasha casriga ah ee ka samaysan Aluminium-ka ama Quraarad.
Maxaa Xigay 
Nasiib Xumo Dhismihii Iftin Bank ayaa maalmo ka hor dumay ka dib markii Madaafiic ay soo tuureen Ciidamada Gal-mudug ay kusoo dhaceen Dabaqa.
Dhismahan ayaa bilow u ahaa sidoo kalena ku dhiiri galiyay ganacsato badan inay magaalada ka hirgashaan dhismayaal noocaas ah.
14980607_10154589055386878_7582799409265055935_n 15055824_10154589053626878_4033405021328373871_n-1