Puntland oo faah faahin dheeraad ah ka soo saaraty Dagaalka Gaalkacayo

Garoowe ( Villa PL ) : Afhayeen Golaha Xukuumadda Puntland Cabdullaahi Quraanjecel  oo goor dhawayd shir saxaafadeed ku qabtay xarunta warbaahinta Dawladda Puntland ee Magaalada garoowe ayaa ka warbixiyey Amaanka guud ee Magaalada galkacayo iyo Dagaalkii ka dhacay saaka subuxnimadii

Afhayeen Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in magaalada Gaalkacyo ay ku waabarisatay weerar ay ku soo qaadeen maanta maleeshiyaad kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al- Shabaab, iyagoo ay horkacayaan maleeshiyaad katirsan Galmudug.

Dawladdu waxay sheegtay in ay weerarkaas ay Argagixisadu ku doonayeen in ay Aargoosi uga dhigaan Saraakiishii looga dilay duqeyn ay ciidamada La dagaalanka Argagixisadu caalamiga ah dhawaan uga dileen deegaanka Jeexdin ee gobalka Mudug.

Kooxdan Argagixisada ah ayaa dooneysay in ay laayaan Shacabka Gobalka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo, balse ay ciidamada Difaaca Puntland ay si adag uga jawaabeen.

Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Quraanjecel ayaa sheegay in ay Shacabka & Dawladdoodu u mideysan yihiin sidii ay jawaab adag uga bixin lahaayeen weeraro kasta oo ay Argagixisadu isku daydo in ay ku soo qaado daganaanshaha iyo Amniga Puntland.

Sawir hore :

quraan-jecel