Dawladda Puntland oo warbixin ku saabsan Magaalada Galkacayo ka dhagaystay Madaxwayne kuxigeen Puntland

Garoowe ( Villa PL ) Golaha Xukuumadda Puntland oo shirkii Todobaadlaha ahaa ku qaatay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo uu  shir gudoominaayey Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa warbixin ka dhagaystay Madaxwayne kuxigeenka Puntland Eng. C/Xakiin C/lahi Xaaji Cumar Cameey .

Warbixinta ayaa ku saabsanayd xaaladda Magaalada Gaalkacayo oo dhawaan uu safar shaqo kaga soo laabtay Madaxwayne kuxigeenka iyo Wafdi wehelinaayey oo ka koobnaa Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland .

Madaxwayne kuxigeenka ayaa uga warbixiyey Golaha halka ay maraayaan mashaariicda dawladda ay ka waddo gudaha Magaalada Gaalkacayo iyo dadaalada dib loogu dhisaayo xarumihii ku bur buray qaraxii argagixsada ahaa ee Bishii August ee la soo dhaafay lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaala Galkacayo .

sidoo kale Goluhu waxay bayaan ka soo saareen arrimo ay ka mid yihiin Amaanka Guud iyo Doorashooyinka Dalka .

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Golaha oo dhamaystiran :

1 2 3