Bosaso: 50 Dhalinyaro oo ka qalin jabisay farsamada Gacanta

Bosaso: 50 Dhalinyaro oo ka qalin jabisay farsamada Gacanta

Dhalinyaradan oo baranayey maadooyin kala duwan oo la xiriira farsamada Gacanta ayaa muddo afar bilood ah waxaa ay ka dhiganayeeen xarunta Ururka SOVOYODO ee si lacag la’aan wax u barayey Dhalinyaradan. Xaflada qalin jabin waxaa ka soo qayb galay madaxda Ururka, xubno ka socda wasaarada waxbarashada iyo Maamulka gobolka iyo kan degmada. Khudbado kala duwan […]

Duqa Gaalkacyo oo sheegay in Magaalada la dhirayn doono

Duqa Gaalkacyo oo sheegay in Magaalada la dhirayn doono

Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamuud Axmed Yaasiin (Tumey) ayaa mar uu ka hadlayey hormarka magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in dhawaan magaalada lagu samaynayo dhirayn. Tumey ayaa sheegay in magaalada ay ka muuqato baahida ay u qabto in dhir lagu beero isagoo sheegay in barnaamijka dhir beerista ay ka qayb qaadanayaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo ardayda. Horay ayaa […]

DAAWO: Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kooxo Gargaar Caafimaad u dirtay deegaamada Abaarahu ka jiraan

DAAWO: Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kooxo Gargaar Caafimaad u dirtay deegaamada Abaarahu ka jiraan

Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta sagootisay kooxo caafimaad oo loo kala diray gobollada Puntland, kuwaasoo loo soo xiray tababar u socday muddo saddex casho ah oo ku aadanaa sida ay shacabka ugu shaqaynayaan. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland iyo xubno katirsan mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa ka qayb galay sagootin loo sameeyay kooxahan oo gaarayay 26 qaybood. Wasiirka […]

DEG DEG: Somaliland oo Xabsiga dhigtay Culimo ku dhawaaqday Urur Diimeed

DEG DEG: Somaliland oo Xabsiga dhigtay Culimo ku dhawaaqday Urur Diimeed

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ay Xabsiga dhigeen Koox sheegatay in ay Culimo yihiin oo dhawaan Urur diimeed kaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa. taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay howlgal ballaaran oo ay kusoo qabqabanaayeen Kooxdaasi in […]

Sawirro: Raysal wasaare Khayre oo kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho

Sawirro: Raysal wasaare Khayre oo kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la […]

Ciidamada NATO ee ilaalada Badweynta Hindiya oo ka hor tagay weerar Burcad Badeed ku qaadeen Markab

Ciidamada NATO ee ilaalada Badweynta Hindiya oo ka hor tagay weerar Burcad Badeed ku qaadeen Markab

Ciidamada NATO ee ilaalada Badweynta Hindiya gaar ahaa ciidamada Chine ayaa ka hor tagay weerar culus ay soo qaadeen kooxo burcad badeed Somali ah oo weerar ku ahaa markab Marayey Gacanka Cadmeed. Howlgalka ay qaadeen ciidamada Chine ayaa ka koobkaan Markab dagaal oo ay hareer socdeen Diyaaradaha Helicapter-ka waxaana ay ku guuleysteen in ay Kooxdii […]

DHAGEYSO: Dhakhaatiir uu soo diray Sacuudiga oo Bosaso soo gaaray

DHAGEYSO: Dhakhaatiir uu soo diray Sacuudiga oo Bosaso soo gaaray

Magaalada Bosaso waxaa soo gaaray dhakhaatiir ka socota dalka Sucuudiga una yimid inay baaritaan ku sameeyaan Xoolo Soomaalida ee ka dhoofa dekeda magaalada Boosaaso ee loo iib geeyo dalalka Khaliijka Carabta. Dhakhaatiirtan waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaarada Xanaanada xoolaha ee gobolka Bari iyo masuuliyiinta Maxjarka lagu eego caafimaadka xoolaha Dhoofaya ee […]

Maxaa ka Cusub Dubai iyo Shirarkii Madaxweynaha Puntland

Maxaa ka Cusub Dubai iyo Shirarkii Madaxweynaha Puntland

Magaalada Dubai waxaa wali ku sugan Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo u joogay arrimo la xiriira hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo ay ugu horaysa heshiiska Balaarinta dekeda Bosaso. Madaxweynaha ayaa saxiixay heshiiskii ay la galeen shirkad DPWorld oo lagu wareejinayo dhismaha iyo balaarinta Dekeda magaalada Boosaso. Wafdiga […]

Galmudug oo jabisay xabad joojintii Gaalkacyo

Galmudug oo jabisay xabad joojintii Gaalkacyo

Maamulka Galmudug ayaa maanta si cad u jabiyey xabad joojintii laga gaaray dagaalka Gaalkacyo waxaana ay weerarku soo qaadeen suuqa magaalada Gaalkacyo oo si caadi ah looga dukaamaysaneyey. Suuqan oo ah barta ay iska galaan xaafada baraxley iyo Waqooyiga Gaalkacyo aaga Cirtoog taha ayaa maleeshiyaadka Galmudug sicad u weerareen ciidamada ilaalada amniga Puntland halkaas oo […]

Taliska gobolka Mudug oo isku yeeray Macalimiinta iyo Imaamada Masjiyada si loo xoojiyo Amniga

Taliska gobolka Mudug oo isku yeeray Macalimiinta iyo Imaamada Masjiyada si loo xoojiyo Amniga

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame (Awdoon) oo ka hadlay amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in kulan ay iskugu yeeri doonaan dhamaan Imaamada Masaajidyada magaalada Gaalkacyo iyo Macalimiinta ku nool Gaalkacyo. Taliyaha ayaa sheegay in ay kala war qaadanayaan kana wada hadli doonaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen amaanka magaalada Gaalkacyo una […]

Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo booqatay Dhaawacyada Isbitaalka Gaalkacyo

Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo booqatay Dhaawacyada Isbitaalka Gaalkacyo

Raxmo cabdi Jaamac oo ka mid ah baarlamaanka Puntland ayaa booqasho ku tagtay isbitaalka magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay si gaar ah ugu booqatay dadkii ku dhaawacmay dagaaladii Gaalkacyo oo ay ciidamada Puntland ka mid ahaayeen dhaawacyada ku jira isbitaalka. Maamulka Isbitaalka ayaa uga warbixiyey xaalada Isbitaalka iyo marxalada uu galay markii dagaaladu socdeen iyagoo […]

Dhageyso: Maamulka Gobolka Nugaal oo ka warbixiyey Deegaamada la gaarsiinayo Gurmadka

Dhageyso: Maamulka Gobolka Nugaal oo ka warbixiyey Deegaamada la gaarsiinayo Gurmadka

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shir dhexmaray gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka ay ka wada hadleen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay si aadka u hayso abaarta. Gudoomiyaha xusay in ay isla qaateen gudoomiyaasha degmooyinka in si dhakhsa ah loo sameeyo biyo dhaamis dadkana lala gaaro si ay […]

Wasaarada Deegaanka Puntland oo dhamaystirtay Xeerka Deegaanka -Daawo

Wasaarada Deegaanka Puntland oo dhamaystirtay Xeerka Deegaanka -Daawo

Wasaarada deegaanka dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay xeerka lagu maamulayo deegaanka laguna dhowrayo deegaanka Puntland. Wasiirka deegaanka Cali Cabdulaahi Warsame oo ka hadlay bandhig loo sameeyey xeerka ayaa sheegay in xeerkan ay muddo soo wadeen lagana qayb galiyey qoristiisa hay;ado ka duwan iyo dadweyne. Wasiirka ayaa xusay in xeerkan la marinayo golayaasha […]

1 2 3 42